Badhasaab Ramaax Oo Eedayn Cul-culus Ku Ganay Dowlada Hoose Ee Burco, Shirkada Laydhka Burco iyo Talada UU Siiyey Waalidiinta Burco

0
23

Burco (Tayosame news) Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa sheegay in xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burco ay gabeen shaqadoodii isla markaana ay kaga mashquuleen waxyaabo kale oo  ka baxsan hawihii bulshadu u dooratay,waxaa kaloo uu dhaliil u jeediyay shirkadda  adeegga laydhka Burco bixisa oo uu sheegay in ay kooto ku haysato laydhkii magaalada isla markaana ay ka gaabisay in ay waddooyinka magaalada siraaddo xilliga habeenkii.

Waxaa kaloo uu dadweynaha ku dhaliilay in aanay ilaashanin waxa umaddu wada leedahay oo ay iyagu bur buriyaan,waxaanu farriin u diray guud ahaan waalidiinta magaalada Burco oo uu ku boorriyay in ay  ubadkooda ka adkaadaan oo ay ka war hayaan wiilashoodu  halka ay ku maqan yihiin iyo waxa ay ku maqan yihiin. shahabkada Somalilandtodayoo aanu kasoo xiganay  waraysigii  Badhasaab Ramaax waxa uu ugu horreyn guddoomiyaha Togdheer kaga jawaabay su’aal laga weydiiyey cabashooyin amni oo qaybo kamid ah dadweynaha magaalo madaxda gobolkaas ka soo yeedhay dhawaan, kuwaas oo la weriyey in      dhallinyaro kooxo kooxo  ahi ay habeenkii falal budhcadnimo dadka ku baadhaan,   “Horta wiilasha dhallinyarada ah ee budhcadnimada iyo baadhashada dadka habeenkii caadaystay tallaabo ayaanu ka qaadaynaa waanan ka hawl gelaynaa mana ogolaanayno in magaalada ay ammaan darro ku ridaan oo habeenkii cabsi tuugta awgeed ah loo socon kari waayo,   waxaanan waalidiinta u soo jeedinayaa in ay wiilashooda ogaadaan halka ay ku maqan yihiin xilliyada ay guryahooga ka maqan yihiin iyo waxay soo qabtaan waalid aan ilmihiisa ogaynna hadhaw nooma soo caban doono oo ka aqbali mayno ciddii falalka noocaas ah lagu soo qabto in la yidhaahdo waxbarasho ayuu ku maqnaa iyo imika ayuu guriga ka soo baxay, .kuray suuqa dadka ku boobaya oo aanay walaashii ka baxsanayn waalid ka daba yimaadda ka ogolaan mayno.” Ayuu yidhi guddoomiye Ramaax, waxaana uu intaa ku daray isaga oo ka jawaabay su’aal la xidhiidha laydh la’aan ka jirta magaalada Burco oo qaybo kamid ah jidadkeedu madow yihiin habeenkii “Ta laydh la’aanta waxaa sabab u ah laydhkii magaalada waxaa kooto ku haysata shirkad keliya oo siday doonto ka yeesha iyadoo aan bixin cashuurtii ku waajibtay oo qiimahay doonto ku iibisa laydhka ayay haddana waddooyinka magaalada shidi wayday waxaanan farayaa in ay waddooyinka xaafadaha laydhadh habeenkii ah ku xidhaan,  waxaa kaloo aan u sheegayaa dadweynaha magaalada Burco in ciddii doonaysa in ay shirkad laydh ka hirgeliso magaalada    ay soo gudbisan karaan codsigooda oo aanay dib cidna kooto ugu xidhnaanayn.

Waxaa kaloo aan dawladda hoose farayaa in laydhkii Sollar-ka ahaa in ay waddooyinka ku xidhaan oo ay ka shaqaysiiyaan, midda  kale dadweynaha cabanaya qudhoodu qayb ayay ka yihiin laydh la’aanta magaalada oo laydhadhkii waddooyinka lagu xidhay dadkaa jajabiyay markaa in madaw laga cawdo oo hadana laydhadhka la jajabiyo oo la ilaashan waayo waa dhibaato kale anigu garan maayo waxa dadkeena madawga jeclaysiiyay ee waxaan u soo jeedinayaa in waxa la wada leeyahay la wada ilaashado waddooyinka magaalada waa la siraadayaa.”

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay,su’aal laga waydiiyay in khilaaf ka dhex taagan yahay golaha deegaanka oo xildhibaano golahaas ka tirsani ay eedo u jeediyeen Maayerka iyo ku-xigeenka oo lagu eedeeyay in ay shaqadii loo doortay ka mashquuleen,ayaa  yidhi.”horta golayaasha deegaanka ee dalka waa laga wada cabanayaa laakiin dhibaatadu waxay ka taagan tahay xildhibaanada golaha deegaanka ee Burco iyaga ayaan shaqadoodii garanayn oo mid waliba wuxuu sitaa fayl dhul oo aan sharciyaddiisu u saxnayn oo ay iyaga dhexdoodu isku khilaafsan yihiin waanay kala cabanayaan nin markaa isagu sita fayl  aan sharci ahayn oo hadana cabanaya isaga ayaa qaldan markaa iyagii ayaa ka mashquulay wixii dadweynuhu u doorteen oo aan garanayn waxay xildhibaanada ku ahaayeen waxay ahayd in ay baahiyaha degmada ka shaqeeyaan oo ay ku daba galaan shirkadan laydhka ee aan waddo keliya siraadin oo ay maayerka iyo ku-xigeenka iyo xoghayaha ka shaqaysiiyaan oo ay iyagoo isku duuban dadkii soo  doortay u adeegaan laakiin haddii ay kala socdaan oo midba dhan fayl ula ordayo dee maayer iyo ku-xigeen keliyi waxba ma qaban karayaan midda kale shaqada xildhibaanaduba waxaad moodaa in ay imika noqotay shir jaraa’id iyo TV laga hadlo loomana dooran war iyo TV laga hadlo ee in ay dadkii codkooda siiyay o adeegaan ayay ahayd markaa iyagana waxaan leeyahay dadkii idin soo doortay u adeega oo magaalada horumarkeeda ka shaqeeya markaasaad wax qaban karaysaane.”

Xigasho : http://somalilandtoday.com/korontadii-magaallada-waxaa-kooto-ku-haysata-shirkad-keliya-dadweynuhuna-iyagaa-wixii-la-wada-lahaa-burburinaya-guddoomiye-ramaax/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.