Badhasaabka Sool Oo Daah-furay Imtixaanka Shaqo Qaran

0
145

Laascaanood (HP): Waxaa maanta guud ahaanba magaalooyinka lixda gobol ee waaweyn ee dalkan Somaliland si rasmi ah uga bilaabmay imtixaanka ay u fadhiisteen dhalinyaradii hore u xeraysatay barnaamijka shaqo qaran.

Waa dufcadii 3aad ee u fadhiisata barnaamijkan shaqo qaran, kaasoo ay u fadhiisteen guud ahaanba 3441 dhalinyaro ah oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Waxaanu maanta imtixaankaasi ka bilaabmay magaalooyinka Burco, Berbera, Laascaanood, Ceerigaabo, Boorama, Hargaysa, iyo Gabiley.

Magaaladda Laascaanood waxaa imtixaankaasi ka daah-furay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ay wehelinayeen guddoomiyaha waxbarashadda gobolka Sool iyo masuuliyiin kale.

Iyadoo tiradda ardayda u fadhiisatay imtixaanka shaqo qaran ee  gobolka Sool ay tiradoodu gaadhaysay ilaa 400, oo dhalinyaro ah oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Daawo: Warkaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.