Cadaado (Tayosame News) Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xaruntii KMG ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi uu ka dhacay banaan bax looga soo horjeeday Heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna ee lagu dhameestirayo ee ka socda Dhuuso Mareeb.
Dadka banaan baxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Maamulka Galmudug gaar ahaan Madaxweyne Xaaf, waxa ayna muujinayeen sida ay uga xunyihiin shirka ka socda Dhuuso Mareeb.
Banaan baxayaasha oo socod kusoo maray laamiga dheer ee Cadaado ayaa markii dambe isugu tagay afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada maamulka Galmudug oo xiligan ah mid cidlo ah aysan joogin wax masuuliyiin ah.
Magaalada Cadaado waxaa ku sugan Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo Wasiir katirsan Xukuumada Somalia oo kasoo jeeda Beesha Cadaado, kuwaa oo maanta ka baaqsaday ka qeyb galka Munaasabada Heshiiska lagu dhameestirayo ee ka socota Dhuuso Mareeb.
Waxgaradka iyo bulshada magaalada Cadaado ayaa si weyn uga hor yimid heshiiska Ahlu Sunna ugu soo biireyso Galmudug, waxa ay sidoo kale ka xun yihiin in magaalada Dhuuso Mareeb xarun u noqoto maamulka Galmudug una guuro.