Barcelona ayaa ka walaacsan in Atletico Madrid aysan bixin Karin Tikidhada taageerayaasha bannaanka uga imaanaya kulanka ay 14 ka bishan ku wada ciyaari doonaan gegada cusub ee Wanda Metropolitano.
Sababata ayaa lagu sheegayaa dhibaato dhanka suuqa ka heysata garoonka cusub ee kooxda Atletico Madrid.
Barca ayaa boggeeda soo dhigtay warbixin oo ay tan ugu xun ugu diyaarineyso taageerayaasheeda.
Waxay sheegtay in la Kansalay codsiyada taageerayaasha bannaanka ka imaanaya (Away Fans) maadaama ay martigaliyayaashu aysan bixin Karin tikidhada markii hore loo bandhigay.
Haddii sheekadan la xaqiijiyo kooxda Ernesto Valverde ayaa taageerayaal la’aan ciyaari doonta kulankii labaad oo xiriir ah horyaalka La Liga.
Camaaliqada Spain ayaa isku dayday inay baajiso kulankii ay la yeesheen Las Palmas kaddib qala laasihii ka dhacay gobalka Catalonia, balse lagu qasbay inay markii dambe ciyaaraan taageerayaal la’aan.
Warbixinta ay Barcelona soo dhigtay Boggeeda ayaa u qorneyd sidan:
“Sababo dhibaato dhanka suuqa ka heysata garoonka cusub ee Wanda Metropolitano stadium…
“Atletico Madrid ma bixin karto Tikhada markii hore ay u bandhigeeen taageerayaasha FC Barcelona ka hor kulanka La Liga ee sabtida 14-ka October.
“Sidaa darteed, waa la kansalay dhammaan codsiyada Tikidhada Barcelona ee kulankaa.”.
Garoonka cusub ee Atletico ayaa ilaa iminka marti galiyay labo kulan oo La Liga ah iyo waliba kulan Champions League ah ay ku marti galiyeen kooxda Chelsea.