Bas Iskuul Oo Labo Ukala Go’ay Markii Ay Isku Dhaceen Tareen

0
16

France (Tayosame news) Tareen iyo bas iskuul ayaa isku dhacay iyaga oo maraya Perpignan oo ku taalla Koonfurta Faransiiska, ugu yaraan afar carruur ah ayaa ku dhimatay kuwo kale oo badanna dhaawac ayaa soo gaaray.

Lataaban ruux ayaa dhaawamay 11 ka mid ah ayayna xaaladdoodu aad u liidataa, ka dib markii uu shilkani ka dhacay meel ay isku waydaartaan wadooyinka Millas iyo Saint-Féliu-d’Amont.

Baska ayaa waday arday ay da’doodu u dhaxaysay 13 iyo 17 sano oo uu ka soo qaaday iskuul aan ka fogayn meesha uu shilku ka dhacay.

Sawirrada goobta laga helay ayaa muujinaya baskii oo labo u kala go’ay.

Shirkadda tareennada ee SNCF ayaa sheegtay in ay dajisnaayeen waxyaabihii loogu talagalay in ay xanibaan baabuurta kale tilmaamayayna in tareenku uu meesha marayo, inkastoo aan arrintaas wali la xaqiijinin.

Baska ayaa marayay isgoyska marka uu shilku dhacay, waxaana la sheegay in si fiican wax loo arki karay.

Qof goobjooge ah oo saarnaa tareenka ayaa barta l’Indépendant u sheegay in uu ahaa shil xun ayna oola muuqatay in tareenku uu khadka ka bixi doono.

Illaa 30 rakaab ah ayaa saarnaa tareenka marka uu shilku dhacayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.