Beesha Caalamka Oo Qaylo Dhaan Ka Soo Saaray Xiisadda Cakiran Ee Soomaaliya

0
33

Somalia (Tayosame News) War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Qaramada Midoobay,midowga Yurub urur goboleedka IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, iyo Britain ayaa waxa ay sheegeen in ay si wayn uga walaacsan yihiin waxyaabihii ka so kordhay xaaladda siyaasadeed iyo amaan ee Muqdisho taasi oo halis galin karta hormaradii laga sameeyay dhanka iyaasada, dhaqaalaha iyo ammaanka islamarkana dhaawacaysa sumcadda Soomaaliya. Beesha caalamka waxa ay ugu baaqeen hogaamiyayaasha Soomaaliya in ay xushmeeyaan sharciga iyo qodobada dastuurka faderaalka marka ay timaado in ay xaliyaan farqi walba oo u dhaxeeya.

Sidoo kale beesha caalamka waxa ay ugu baaqeen hogaamiyayaasha baarlamaanka iyo xukuumadda in ay wadaxaajood yeeshaan maalmaha so socda ayna dastuurka iyo qaab nabad ah ay u maraan xalinta khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya.

Baaqa beesha caalamka ayaa ku soo beegmaya xilli Maalmihii la soo dhaafay uu socday mooshin ay wadeen xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka soomaliya kaas oo ka dhan ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.
Arrintan ayaa xiisad siyaasadeed ka dhalisay dalka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay yeeshaan kulankoodii caadiga ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.