Belgium: Kalkaaliye Caafimaad Oo Dadka Waawayn Qudha Ka Jari Jiray Oo Xukun Lagu Fuliyay!

0
91

Belgium (Tayosame News)  Garsoorka Dalka Belgium ayaa waxa ay xadhig 27 sano ah ku fuliyeen kalkaaliye caafimaad oo u dhashay Dalkaasi, ninkani ayaa waxa lagu soo eedeeyay in uu si badheedh ah u dilay Dad Da ahaa oo u dhashay Dalkaasi.

Kalkaaliyaha Caafimaad ee xukunkaasi ku dhacay ayaa waxa magiciisa la yidhaahdaa Evi Bob ayaa waxa ui dhalay saddex caruura ninkani waxa uu maxkamada ka hor qirtay in uu dadkaasi waawayna uu si badheedh ah u dilay isla markaana uu ugu tala galay in uu dadkaasi u raaxeeyo oo ay ka baxaan noolosha dhibka badan ee ay ku jiraan .

Ninkani ayaa waxa uu khaarijinta dadkaasi waawayn u adeegsan jiray irbado uu ku mudi jiray,kuwaasi oo hawo kaga sii dayn jiray samambada sidaasina ay ku hooyan jireen oo ay Aduunyada kaga tagi jireen.

 Evo ayaa waxa u kalkaaliye Caafimaad noqday sanadkii 1978 waxa aanu ka hawl galay dhakhtar ku yaala magaalada Minan ee ku taala gobolka Cortra waxa aanay u dhawdahay xuduuda Dalkaasi la leeyahay Dalka France,Evo ayaa waxa uu shaqadaasi ka shaqaynayay 32 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.