Boobka Hantida Qaranka Oo Halkii U Sareysay Gaadhay iyo Labo Gaadhi Oo Wasaarda Hawlaha Guud Lahayd Oo La Baadi Goobayo

0
12

Hargeisa (Tayosame news) Sida ay wararku tibaaxayaan waxay sheegayaan in la la yahay laba gaadhi oo ay leedahay wasaaradda hawlaha guud gaadiidka iyo guryaynta oo uu xukuumaddii madaxwayne Siilaanyo ee xilka ka dagtay uu wasiir ka ahaa Cali maxamed Xasan(Cali Mareexaan).
Labadan gaadhi ee la la yahay oo ah kuwa loo yaqaan Land cruserka ayaan la garanayn meel ay aadeen wakhtigan,waxaana ciidamada Boolisku ay ku daba jiraan soo qabashada labadan gaadhi oo u diwaan gashan gaadiidkii dawlada.
Labadan gaadhi mid ayaa ahaa sida xoguhu tibaaxeen gaadhi uu hore u wadan jiray wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta kaas oo ahaa Laan-cruser (Hard-top).
Intii lagu jiray kala wareega labada xukuumadooda ayaa waxa dhacay boobkii ugu badnaa ee ay ku kacaan wasiiradii xukuumadii madaxwayne Siilaanyo gaar ahaan wasiiradii quud daraynayay in xil wasiirnimo uu u magacaabo madaxwaynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi balse iska dhex waayay liiska golaha wasiirada.
Ciidamada Booliska ayaa heegan ugu jira ilaalinta hantida dawlada ee la lunsanayo wakhtigan kala guurka,iyada oo badiba aanay wasiiradii xukuumadda madaxwayne Siilaanyo xilalkii wasaaradaha wareejin.
Wasiirkii hore ee hawlaha guud gaadiidka iyo guryeynta Cali Mareexaan iyo masuuliyiinta wasaaraddu toona wali kamay hadal halka ay ku maqan yihiin labadan gaadhi ee la sheegay in la la yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.