Booliiska Toronto Ee Dalka Canada Oo Beeniyay In La Weeraray Gabadh Muslimad Ah

0
32

Canada (Tayosame news) Booliiska dalka Canada ayaa waxa ay sheegeen in weerar la sheegay in la isku dayay in gabadh 11 jir muslimad ah xijaabka looga jaro Maqas uusan weerarkaasi dhicin.

Dhacdada gabadhani ayaa warbaahinta qabsatay toddobaadkii aanu soo dhaafnay ka dib markii ay sheegtay in nin sita Maqas uu inta uu gadaal uga yimid isku dayay in uu Xijaabka ka jaro.

Booliiska magaalada Toronto ayaa imika sheegay in dhacdadani oo ay u arkayeen in ay tahay danbi naceyb ku salaysan aysan gabi ahaanba dhacin.

Dhacdadani ayaa cadho ka dhalisay dalkaasi ,iyada oo uu xitaa ra’isul wasaaraha Canada Justin Trudeau, uu walaaciisa ku muujiyay qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay.

“Ka dib baadhitaan faafaahsan,booliiska ayaa waxa ay ogaadeen in weerarkan uusan dhicin,” waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan kooban oo ay booliiska soo saareen.

Booliiska magaalada Toronto ayaa waxay intaa ku dareen in baadhitaanka imika la soo gabagabeeyay.

Shir jaraa’id oo jimcihii ay qabatay gabadhani oo lagu magacaabo Khawlah Noman ayaa waxa ay sheegtay in ay xitaa ka baqayso in iskuulka ay dib ugu laabato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.