Holland (Tayosame News) Ciidamada Booliska magaalada Amsterdam dalka Holland ayaa toogtay oo dhaawacay nin ku hubeysan mindi oo labo ruux ku weeraray xarun laga raaco tareenada.
Illaa hadda lama oga in falkan uu la xiriiro argagaxiso balse Booliska ayaa sheegaya in wax walba laga filan karo in uu falkan la xiriiro balse ay baaritaan ku sameynayaan.
Booliska ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin cabsi kale oo dadka loogaga saarayo xarunta tareenka,balse waxaa la xirey labo boosteejo oo dadka laga saaray.
Labadii ruux ee ku dhaawacantay weerarkan ayaa la geeyay isbitaal halkaa oo lagu daweynayo, waxayna boolisku xireen qofkii ka dambeeyay weerarkan oo dhaawac ah.
Illaa 250,000 oo ruux ayaa maalin walba waxa ay ku safraan xaruntan uu weerarku ka dhacay iyadoo halkaa laga heli karo tareeno aada garoonka diyaaradaha ee Schiphol Airport.
Maalinta Jimcahana waa mid ka mid ah maalmaha ugu mashquulka badan leh ee xaruntan maadaama dad badan ay u imanayaan dalxiis maalmaha fasaxa.
Weerarada loo adeegsada mindiyaha ayaa ah kuwo ka dhaca wadamo badan oo ka mid ah qaarada Yurub