Brazil :Maafiya Qudha Ka Jartay Lamaane Is Qabay ,Kadibna Qaybo Ka Mid Ah Jidhkooda Cunay !

0
163

Brazil (Tayosame News) Koox Maafiya ah oo ka dhisan Dalka Brazil ayaa waxa ay ku kacday arrin aad u la yaab badan,kooxdaasi maafiyada ah ayaa waxa ay Dileen Lamaane is qabay waxa kale oo faijicso ku noqotay dadka u dhashay Dalkaasi in maafiyadaasi markii ay qudha ka jareen labadaasi lamaane ay cuneen qaybo ka mid ah jidhkooda.

Labadan lamaane ayaa waxa magacyadooda la odhan jiray Christina Amaral waxa aanay da’deedu ahayd 44 jir iyo saygeeda oo magiciisa la odhan jiray Juvenal Juvenal oo da’diisu ay ahayd 52 jir,Ciidamada amaanka ee dalkaasi ayaa waxa ay Helen maydadka labadaasi lamaane oo la isku ag aasay.

Ciidamada Amaanka ee Dalka Brazil ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in labadaasi lamaane si aad u fool loo jidh dilay intaasi kadibna minid la galiyay ,sidoo kale ka hor intii aanay qudha ka jarin labadaasi lamaane ayaa waxa ay haweenayda ku hor kufsadeen saygeeda intaasi kadibna waa ay dileen.

Maria Theresa oo ka mid ah ciidamada Dambi baadhista dalkaasi gaar ahaana qaybta dilalka ayaa waxa ay sheegtay in maafiyadaasi ay ahaayeen kuwa cuna Hilibka dadka waxa aanay arrintaasi ku sababaysay in la arkay qaybo ka mid ah jidhkii maydadkaasi oo maqan Bogga Daily Mail ayaa waxa lagu baahiyay in gacanta lagu dhigay laba nin oo la tuhunsanyahay in ay ka mid yihiin kooxdaasi maafiyada ah gacanta lagu dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.