Cajiib: Baraf Madow Oo Ka Da’ay Magaalada Tamirtau Ee Dalka Kazakhistan!

0
67

Kazakhistan (Tayosame News) Midabka barafka ee aynu naqaano ayaa waxa uu yahay midabka cad wali maynaan arag baraf madaw oo ku da’a magaalo la dagan yahay, dadka ku nool Magaalada Tamirtau ee Dalka Kazakhistan ayaa waxa ay ku waabariisteen baraf Madaw oo ku da’ay magaaladaasi .

Dadka ku dhaqan magaaladaasi ayaa waxa ay masuuliyiinta magaaladaasi ka codsadeen in ay cadeeyaan sababta keentay arrintaasi .

Magaalada Tamirtau ayaa waxa lagu yaqaana isla markaana ay caan ku tahay hawadeeda wasakhaysan ,wasakhda hawada magaaladaasi ee xad dhaafka ah ayaa waxa u sabab ah in magaaladaasi ay ku yaalan warshado badan oo saara birta noocaydeeda kala duwan waana magaalada ugu warshadaha badan ee dalkaasi .

Ma aha markii u horaysay ee barafka noocan oo kale ahi ka da’o magaaladaasi ,madaxda shirakadaha soo saara biraha ayaa diiday eedaymo arrintaasi la xidhiidha oo ay shacabka magaalada Tamirtau marar dhawe ah u soo jeediyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.