Cajiib: Dumarka ku Caan Baxay in Ay Raga Kufsadaan Oo Kusoo Badanaya Dalka Zimbabwe.

0
588

Harare (Tayosame News) Hadii aad maqli jirtay dumar la kufsaday hadaba maaqaalkaan waxaan idinkugu heynaa rag la kufsaday oo ay xoogeen koox dumar ah.

Booliska dalka Zimbabwe ayaa rumeysan inuu jirto arin wadanka oo dhan laga soo calaamadeeyey oo ku saabsan in dumarka ay baryahan bilaabeen in ay kufsadaan raga iyaga hadafkooduna yahay sidi ay shahwada raga u qaadan lahaayeen.

Haweenkaan ku dhaqaaqay falkaasi la yaabka leh ayaa la sheegay in ay boorsooyinka ku wataan cinjirka loo is ticmaalo galmoodka (Condom) kaasi oo keydiyo biyaha ama shahwada ninka raga ah, waxa markaasi sida warbixintu sheegeyso ay u adeegsanayaan manida raga caado dhaqameed sheegaya in dadka ay markaasi noqonayaan hodan.

Mudo hal sano ka badan ayey ku qaadatay dowlada dalka Zimbabwe in ay u qabato kadibna maxkamad kusoo taagto dumar lala xiriirinayo in ay rag kufsadeen, waxaana marki ugu horeysay maanta maxkamad ku taala magaalada Harare lasoo taagay sadex dumar ah oo lagu eedeyey in ay nin kufsadeen.

Mid ka mid ah raga dhibanayaasha u noqday dumarkaasi kusoo batay Zimbabwe ee kufsada raga ayaa bishi July ka hadlay weerar ay ku qaadeen hablo kuwaasi oo isaga oo wada taagan weydiistay in ay lift siiyaan oo ay horay usii qaadaan.

“Mid ka mid ah sadexda naag ayaa wajiga biyo shab igaga siiyey kadibna waxay igu dureen ciribid kicisay dareenkeeyga raganimo, waxay joojiyeen gaarigi waxayna igu sameeyeen fal galmood ah, mid kasta oo ka mid ah sadexda hablood aniga oo maankeeyga uusan joogin ayey i isticmaaleen, kadib aniga oo qaawan ayey iga tageen waxayna igu tuureen wadada dhinaceeda meel cows laheyd, dad badan baa igu soo yaacay oo ii qaaday isbitaal si dawada jirkeyga gashay loola tacaalo” ayuu yiri.

Inkastoo sharciga dalka Zimbabwe uusan dhigeyn talaabo laga qaado dumar rag xoogay, hadana hablahan maxkamada lasoo taagay waxaa lagu eedeeyey ilaa iyo 17 danbi oo la xiriira kufsi.

Booliska ayaa soo qabtay horaanti bishaan magaalada ku taalo bartamaha Gweru oo dhanka koonfur galbeed kaga beegan 275km magaalada caasimada ah ee Harare, kadib marki laga helay baabuurtooda 31 cinjir ‘condom’ baabuurki ay ku safrayeen.

Afhayeen u hadlay booliska oo lagu magacaabo Andrew Phiri ayaa u sheegay BBC in ay rumeysan yihiin in arintaan ay ka jirto guud ahaan wadanka.

“Waxaan helnay warbixino guud ahaan wadanka oo dhan kuwaasi oo nooga yimid magaalooyin iyo gobolo kala duwan, arimahaan waxay ka dhacaan wadooinka waaweyn, wali ma helin sababta ka danbeeyso in waxani ay u dhacayaan, laakin warar la isla dhax marayo ayaa sheegaya in arimahan ay la xiriiraan aaminid dhanka caadada iyo diinta ku saleysan,” sidaa waxaa yiri Andrew Phiri .

Dadka qaar ee ku nool dalkaasi ayaa rumeysan adeegsiga shahwada in markaasi ay keeneyso hodantinimo dhinaca ganacsiga, warar kale ayaa sheegaya in xitaa shahwada loo qaado dalka dibadiisa si loo iibiyo.

Laakin Claude Mararikei oo ah macalin ka dhiga jaamacadaha dalka Zimbabwe culuumta dhaqanka iyo arimaha bulshada ayaa rumeysan in wali aysan kala cadeyn waxa ay u adeegsanayaan dumarkaan manida.

While the first accounts of men alleging that they had been raped by women were generally met with incredulity, men who spoke to the BBC say that they are now taking the issue very seriously.

Isku soo wada duuboo hada inta badan raga lugeeya ee dalka Zimbabwe ama kuwa liftiga codsada waxay bilaabeen in ay raacaan basaska iyo gawaarida kale ee BL-ka ah ee ay adeegsadaan dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.