Cajiib: Godadka Holcaya Ee Aan Bakhtiyin? Albaabada Naarta!!!!

0
313

Turkmenistan (Tayosame news) Goobtan waxay ku taalla dalka Turkimistan oo ka mid ah jamhuuriyadihi ka go’ay Ruushka, waxaana ku yaalla godad ololaya oo aan weligood bakhtiyin oo lagu daalay bakhtiintooda,waxaan loo yaqaan albaabada Jaxiima “Gates of Hell”.

Cidna ma garanayso albaabka godkan iyo sababta keentay in had iyo jeer
ololkani ka soo baxo oo aanu bakhtiyin. Waxase loo malaynaya inay tahay
khalad dhacay wakhtigii uu xukumayay Midowgii Sofiyeetka taasi oo ay
kooxo isku deyeen inay kala soo baxaan macdan sanadkii 1971 oo ah
wakhtigii ololkaasi lagu war helay.

Waxaana la sheegay inay sababtu ahayd markii ay kooxdii baadhaysay
macadanta ay fureen godkan ay ka soo baxday ur aad xumi, markaasi oo ay
isku deyeen inay urtaasi ku baabiiyaan dab ay ku shidaan.Isla
wakhtigaasi ayay dab qabadsiiyeen miino dabiici ah, iyado tan iyo
wakhtigaasi iyo ilaa maanta ololkaasi uu baxayo oo aanu mar keliya
bakhtiyin, waana arimaha lagu daalay ee dunida ka jira.

Dad Dalxiis Ugu Yimid Daawashada Godadkan
Gates of Hell

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.