Masar (Tayosame News) Diina Cabdala Sulaiman waa 27 jir u dhalatay Dalka Masar ,Diina ayaa waxa ay ku kacday arrin aad u la yaab badan kadib markii uu furay ninkii ay is qabeen.
Diina ayaa waxa ay dhigtay xaflad aad u balaadhan oo ay ku marti qaaday asxaabteeda,waxa aanay nin kaasi is qabeen muddo 40 maalmood oo kaliya .
Diina ayaa waxa ay sheegtay in furitaankaasi uu ku qaatay laba sano isla markaana ay dhib badan u soo martay ugu dambayna ay maxkamadu u xukuntay in furninkaasi la fuliyo,dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ku soo badanaya guud ahaa dunida .