Cajiib: Haweenka Dalka Sucuudiga Oo Injirta U Isticmaala In Ay Timahooda Ku Dheereeyaan

0
323

Saudi Arabia (Tayosame News) Haweenka u dhashay Sucuudiga ayaa waxa ay aad u isticmaalaan Injirta ,sababta ku kaliftay in haweenka Dalkaasi ay Injirta aad u jeclaadaan ayaa waxa ay tahay in ay u adeegsadaan Korinta iyo dheeraynta Timahooda.

Haweenka Sucuudiga ayaa waxa ay Aaminsanyihiin in cuncunka Injirtu uu Faa’iido u yahay Timaha isla markaana xoqista ay xoqaan timahooda ay Faa’iido u tahay Jirida Tinta ,mar kasta oo gacanta lagu xoqona ay tumihuu sii dheeraanayaan.

Haween tira badan oo u dhashay Dalkaasi ayaa waxa ay ku qulqulaan goobo lagu iibiyo Injirta, mulkiilayaasha goobahaasi ayaa waxa ay haweenka ku dhiiri galiyaan in ay aad iibsadaan maadaama oo ay timahooda Faa’iido badan u leedahay Injirtu.

Dr Daafir Al-qaxdaani oo ah dhakhtar u dhashay Dalkaasi kuna takhasusay cudurada Maqaarka oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi ”fikirka ah in Injirintu ay faa’iido u leedahay timaha isla markaana ay dheeryaso ee ay aamineen Haweenka Sucuudigu waa fikir aad u qaldan ,waxaana jira dad ku shaqaysta arrintaasi oo lacag ku hela “.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.