Canada iyo Venezuela Oo Madaxa Isla Galay + Canada Oo Eriday Safiirkii Venezuela

0
40

Canada (Tayosame news) Dawladda Canada ayaa ku dhawaaqday in ay eriday safiirka Venezuela Wilmer Barrientos Fernández iyo Ángel Herrera oo shaqada ku siisimayay. Wasiirka arrimaha dibadda ee Canada Chrystia Freeland ayaa sheegtay in qorshahaasi uu aargoosi u yahay dublamaasigii ugu sareeyay safaaradooda oo dhawaan laga soo eryay Caracas.

Venezuela ayaa Canada ku eedaysay in faraha kula jirto arrimaha dalkeeda. Canada ayaa iyaduna xukuumadda Nicolás Maduro ku eedaysay in ay gaysanayso arrimo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. In kabadan 120 ruux ayaa lagu dilay mudaaharaadyo billo ka socday dalkaas horraantii sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.