Cayda Hablaha Ciidagale Hawsha Qarankaa Ka Weyn

0
812

Hamburg (Tayosame News) Taariikhda aadmiga waxa soo maray xaalado, duruufo, dhacdooyin iyo ilbaxnimooyin kale duwan mid kastaaba leeyahay saamayntiisa bulsho ahaaneed,deegaan ahaaneed, aqoon ahaaneed iyo dhaqan ahaaneedba.
Aan gadal u raaco tariikhdi hore gayiga somalidu waxa ay fariimaha iskugu diri jireen gabayada iyo maansoyinka, kuwaasi oo ahaa habka keliya wax laysugu gudbin jiray, waxaa jiraa gabayo badan oo abwaaniinti wagtigaasi noola ay is waydaarsaden amaan amase cay baa ha noqdaane.

Waxaan taasina uga socda Arintan maanta taagan ee uu ku kacay wasiirka warfaafinta ee xukumada muuse MR Guri Barwaaqo ee uu ku caayey Hablaha sharafta iyo milgaha badan ee beelwaynta ciidagale, hadii aad si fiican ugu kuur gasho waxa aad dareemi kartaa in uu jiro gaabis badan iyo galdaloolooyin farabadan oo ku wajahan dhinaca
akhlaaqiyaadka, qiyamka iyo dhaqanka wanaagsan ee qof masuul ah lagu tuhmo.

Tusaale ahaan marka aad si fiican u eegto hadalada u wasirka warfaafinta ee somaliland uu ku qoray buugiisa sooyaal taaz oo ah cay aan loo meel dayin amase isaga keli ku ah, mana jiraan sababo u dib ugu qoro buugisa, maxa see keenay inu dib uso qoro?.

Suaalahas iyo kuwa kale oo badan waa kuwa laga rabo in uu ka jawabo, waxaa mahad gaar ah leh macalin badal oo ariinka usoo bandhigay bulshada somaliyeed.

Waxa kale oo mahad iska leh bulashada somaliyeed ee ariinka ka biya diiday iyo xildhibanda golaha baarlamaanka.
Manay ahayn in uu hadaladasi oo kale uu bulshada usoo bandhig, haddi aan maanta ariinkaasina dawladu wax ka qaban ma ahaa mid laga aamusi karo,Horaa waxa loo yidhi ninka maanta ta taagan garan waayay ta soo socotana ma garto.
Hadii maanta arintkaasi wax laga qaban waayana waxa dhici doonta in qorayasha berina ay ku daydaan mida hada uu ku kacay wasiir guri barwaaqo oo kale noqotana wado loo jeexay oo si fudud lagu caayo haweenka somaliyeed ee miisanka culus, meelna lagaga sharaftoodi iyo cirdigoodii, mana banaana xataa haddi hore lo tiriyey in dib loso bandhigo .
Waxaana inala gudboon in aynu ayaheena dambe iyo jiilkena dambe ka fikirno waxa aynu manta uga tagi doono .

Haddi aynu tariikh xumo uga tagno ama aynu buugag kuso ban dhigno oo aynu ka ganacsano kuwa inaga danbeeya maxay samayn doonan

Guntii iyo Gebogebadii Alle ha sahle waxaan xukumada ka codsanaya waa in ay ariinka si wanagsan oo ay bulshadu ku qanacdo kuso af jarto

Diyaarintii: Abdi Asiis Mohamoud Jama.

hamburg , Germany.

Email: abdisameer0@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.