Cesc Fabregas oo sanado badan kadib qirtay inuu Pizza ku dhiftay Sir Alex Ferguson

0
33

Cesc Fabregas ayaa sanado badan kadib qirtay inuu ahaa laacibkii Pizza-ha ku dhiftay tababarihii hore ee Man United.

Advertisement

United ayaa 2004 soo gabagabaysay kulamadii guul daro la’aanta Arsenal ee 49 kulan kadib kulan ka dhacay Old Trafford.

 

Fabregas oo ka warbixiyay sidii maalintaas ay wax u dheceen ayaa yiri:

“Markii uu soo idlaaday kulankii aan la ciyaarnay Man united, waxaan banaanka qolka labiska ka maqlay buuq, waxaan haystay Pizza”.

“Waxaan arkay Ferdinand, Sol Campbell iyo Martin Keown, aad ayaan uga caraysnaa guul daradii nasoo gaartay, sidaas darteed ayaan ugu tuuray Pizza-ha”.

“Laakiin waxay si kama’a ah ugu dhacday Sir Alex Ferguson, sidaas darteed waan ka raali galinayaa isaga wixii dhacay”.

Sir Alex Ferguson ayaa Buuga noloshiisa ku xaqiijiyay in mid kamid ah ciyaartoyda Arsenal uu Pizza ku dhiftay balse uusan hubin qofka uu yahay in kasta oo uu ka shakisnaa Fabregas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.