Ciidamada Amisom Oo Dad Ku Laayey Deegaanka Lafoole Iyo Nin Aabihii Ay Amisom Toogteen Oo Ka Hadlaya

0
414

Muqdisho: (Tayosam news) -Ciidamada AMISOM , ayaa la sheegay  degaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho in ay ku laayeen dad Shacab ah.

Dilka dad Shacabka ah ayaa yimid ka dib markii Ciidamada AMISOM halkaasi Qarax lagula eegtay, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in ciidanka AMISOM ay bilaabeen in ay toogasho ku dilaan qaar ka mid ah dadka degaanka.

Mustaf Cabdi Axmed ayaa  sheegay in ciidamada AMISOM ay toogteen Aabihiis xilli uu u socday shaqo.

Waxaa sidoo kale Saakay ciidamada AMISOM ay dhibaateeyeen Arday wax ka baranaysay Iskuulka Alfurqaan oo ku yaalla degaanka Jaamacadda Beeraha ee Shabeelaha Hoose,waxaana ay dileen Macalin, waxaana sidoo kale ay dhaawaceen arday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.