Hargeisa (Tayosame news) Ciidamada booliska somaliland gaar ahaan magaalada hargeysa ayaa waxay ayaamahan baacsanayeen dhalinta magaalada hargeisa igaya oo suuqyada badhtankooda kaga xiirayey timaha taaso abuurtay hadal hayn badan oo bulshadu ka biyo diiday.
hadaba afhayeenka ciidanka booliska kornayl Faysal Xiis ayaa sheegay inay sixid ku samayn doonaan khaladka kasoo baxay hawlgaladooda waxa kale oo uu xusay in hawlgaloadooda aanay ku jirin hawlgalkooda.
Kornayl xiis ayaa raali gelin ka bixiyey ficilka ay ciidamada bolisku kula kaceen dhalinyarada isaga oo ka war bixiyey hawlgaladooda waxaanu sheegay inay hawlhalkoodu ahaa soo qabqabashada dhalinyarada fidmo wadayaasha ah ee xaafadaha ka dilaacay.
Timo xiirista ciidanka boolisku kula kaceen dhalinyarada ayaa waxa si aad ah u naqdiyey dhamaan siyaasiyiinta , waxgaradka iyo dhaaan bulsho weynta somaliland iyaga oo sheegay inaan loo baahnayn hawlgal noocani ah.