Ciidamada Cirka Turkeyga Oo Duqayn Baaxad Leh U Geystay Kurdiyiinta Suuriya

0
118

Turkey (Tayosame News) Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa weerar cirka ah ku qaaday Kurdiinta ku sugan waqooyiga Suuriya, iyadoo tani ay sii kordhineyso xiisada Mareykanka iyo Turkiga.

Turkiga ayaa doonaya inuu meesha ka saaro dagaalyahanada Kurdiyiinta ee ku sugan Gobolka Afrin oo ku dhow xuduuda koofureed ee Suuriya. Dagaalyahanada Kurdiyiinta ayaa xulufo la ah Mareykanka oo dagaal kula jira Kooxda ISIS ee ka dagaalanta Suuriya.

Turkiga ayaa horay hanjabaad ugu diray Ciidamada Kurdiyiinta ee Mareykanka taageerayo, kuwaasoo ku tilmaamay kuwo argagixiso ah.

Suuriya ayaa horay ugu hanjabtay inay soo ridi doono diyaaradaha Turkiga, hadii ay howl gal ka sameeyaan gudaha Suuriya. Xiisada Mareykanka iyo Turkiga ayaa cirka isku shareertay, tan iyo markii ay soo baxday in Mareykanka taageero kumanaan dagaalyahano ka tirsan Kurdiyiinta Suuriya oo dagaal kula jira Kooxda Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.