DEGDEG: Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Maxaabiisti Ugu Badnayd Ka Qabqabtay Ciidamada Puntland

0
640

SOOL (Tayosame news) Saraakiisha ciidamada Qaranka Somaliland ayaa sheegay in 25 Maxbuus oo kamid ah ciidamada maamulka Puntland ay gacanta ku dhigeen sida uu xusay Korneyl ciidanka  qaybta 7-aad ee ciidamada maamulka Somaliland oo warbaahinta kula hadlay gudaha deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Taliyuhu waxa kale oo uu xusay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen ay yihiin dhalinyaro lasoo khalday isla markaasna ay dhaqan celin ku samayn doonaan sida uu yidhi “Waxaan gacanta ku dhignay 25 Maxbuus oo ahaa dhalinyaro lasoo khalday oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidamada maamulka Puntland deegaanka aan qabsanayn waa deegaan ka tirsan Somaliland sidaas oo ay tahay kuma khaldanin la wareegista deegaanka Tukaraq, dhalinyaradaasna dhaqan celin baan ku samaynaynaa”.

Marka laga yimaado sheegashada saraakiisha ciidamada maamulka Somaliland ay sheegayaan in ay gacanta ku dhigeen 25 Maxbuus oo kamid ah ciidamada maamulka puntland ayaa waxaan arintaasi ka hadlin saraakiisha ciidamada Puntland.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa hada isku hor fadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana xaalada oo haatan degan jira saan saan colaadeed oo aad u xoogan taas oo sababi karta dagaal mar kale ka dhaca deegaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.