Ciidammada Dawladda Soomaaliya Iyo Kuwa Uu Imaaraadka Carabtu Tababaray Oo Dagaal Dhex-maray Iyo Hub Laga Qabsaday NISA

0
620

Somalia (Tayosame News) Faah faahin ayaa ka soo baxaya iska hor imaad culus oo maanta barqadii ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta ee NISA iyo ciidanka uu tababaray Imaaraadka Carabta.

Iska hor imaadka ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu saameeyay xaafado ka fog halka lagu dagaalamay oo ay gaartay rasaasta culus oo ka dhacay qoriga dhashiikaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu ka dhashay wado u xirneyd Ciidanka uu tababaro Imaaraadka Carabta oo ku dhow Isgoyska Tarabuunka, iyadoo muran ay dhex martay Ciidanka Xasilinta oo isku dayay inay xoog ku gudbaan.

Intaas kaddib ayaa la sheegay in labada dhinac ay is rasaaseyn ka dhex bilaabatay, kaasoo ku faafay xaafadaha degmada Hodan, iyadoo ku dhowaad muddo 30 daqiiqo ay is rasaaseynta socotay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in illaa afar ruux oo labo ka mid ah ay rayid yihiin ku dhinteen, halka kuwa kale ay ahaayeen askar, waxaana la soo warinayaa in khasaaraha intaa ka badan yahay, maadaama rasaasta ka dhacday qoryaha ku rakiban baabuurta dagaalka ay gaartay xaafado fog.
Ciidamada uu tababaray Imaaraadka carabta ayaa la wareegay mid ka mid ah gaadiidka dagaal ee Ciidamada Xasilinta, waxaana ay la aadeen xero ay ku leeyihiin agagaarka Tarabuunka.
Xaalada ayaa iminka degan, waxaana xiisada dagaal ku soo baxay saraakiisha ciidamada Milateriga oo kala dhex galay labada dhinac, waxaana sida caadada la filayaa in loo saaro Guddi baaritaan ku sameeya dhacdadan.

Iska hor imaadka maanta barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u saameeyay magaalada oo idil, waxaana uu ku soo beegmay, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu maalmahan ku sugnaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo u joogay howlo la xiriira isku dubaridka iyo abaabulka ciidamada xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.