Muqdisho (Tayosame news) -Ciidamo la sheegay in ay katirsanaayeen Nabad Sugida ayaa goordhaw rasaas khasaaro geesatay ku furay ciidamo katirsan Xasilinta Caasimada oo howlgalo baadhitaano ah ka waday Isgooska Sancda.
Sida aan Wararka ku helnay Ciidamada rasaasta furay oo katirsanaa Nabad sugida ayaa ka amar qaadan jiray Sargaal katirsanaa Nabad sugida oo dhawaan ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood.
Inta la xaqiijiyay labo askari oo katirsanaa Ciidanka Xasilinta ayaa goobtaasi lagu dilay, ciidamada dilka geestay ayaana horey usii qaateen qoryihii ay askarta la dilay wateen sida goob joogayaal ku warameen.
Meydadka askarta la dilay ayaa mudo daqiiqado ah yaalay goobtii lagu dilay, waxaana goobtaasi isaga dhaqaaqay Ciidankii Nabad sugida ee la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka askartaasi.
Ciidamo kale oo katirsan Nabad sugida dowlada Soomaaliya ayaa soo gaaray halka uu dilku ka dhacay , mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya.