Ciyaaryahanka Caanka Ah Mario Balotello Oo Dhaleeceeyay Xildhibaan Madow Ah

0
50

Italy (Tayosame News) Ciyaaryahanka caanka ah ee kubbadda cagta ee dalka Talyaaniga Mario Balotello ayaa dhaleeceyn usoo jeediyay nin xildhibaan ah oo madoow ah, kaas oo loo doortay Aqalka Sare ee Talyaaniga, kuna soo baxay xisbiga kasoo horjeeda dadka soo galootiga ah ee Lega.

Xildhibaankan waxaa lagu magacaabaa Mr Iwobi, wuxuuna asal ahaan kasoo jeedaa dalka Nigeria, isaga oo tagay Talyaaniga 1876-dii.

Balotelli ayaa sheegay in ay tahay ceeb iyo wax laga xumaado in nin madoow ah uu matali karo siyaasadaha xisbigan oo ku caan baxay diidmada dadka madoow iyo dadka soogalootiga ah.

Wuxuu noqonayaa ninkii ugu horeeyay oo madoow ah oo gala Aqalka Sare ee dalka Talyaaniga.

Mr Iwobi wuxuu noqonayaa qofkii ugu horeeyay ee madoow ah oo gala Aqalka Sare ee TalyaanigaMr Iwobi wuxuu noqonayaa qofkii ugu horeeyay ee madoow ah oo gala Aqalka Sare ee Talyaaniga

Fariin uu soo dhigay Facebook ayuu Mr Iwobi ugu mahadceliyay hoggaamiyaha xisbigiisa Mr Matteo Salvini oo ah nin mayal adag.

Balotello ayaa ku caan baxay in uu ka hadlo arrimaha takoorka ah ee lagu hayo dadka Madoowga ah.

Xisbiga Lega ayaa waxa uu ka midyahay isbahaysiga midigta ah ee heley inta badan kuraastii loo tartamay, waxayna ka dhigantahay in dadka Talyaaniga ay inta badan u codeeyeen xisbiyada siyaasadaha kulul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.