Hrgsa (Tayosame news) Cristiano Ronaldo ayaa sii wada rikoodh jabintiisa. Kii ugu danbeeyay ayaa ah inuu jabiyay rikoodhka gooldhalinta ee Koobka Kooxaha Adduunka ee Club World Cup.
Goolkii uu ku barbareeyay kooxda Al Jazira kulankii shalay ee semi-finalka ayaa ka dhigtay in xiddiga reer Portugal uu tartankaan ka dhaliyay lix gool isagoo noqday xiddiga ugu goolasha badan ee tartanka Club World Cup.
Waa markii afaraad ee uu Ronaldo ka qeyb qaadanayo Club World Cup, seddex jeer waxa uu la yimid Real Madrid halka uu mar ka ciyaaray Manchester United sannadii 2008.
Waxa uu wadar ahaan mudadaas dhaliyay lix gool todobo kulan uu ciyaaray isagoo sidoo kale mudadaas sameeyay seddex caawin ah.
Ka hor kulanka Al Jazira, Ronaldo waxa ay rikoodhka gooldhalinta Club World Cup isla hayeen Lionel Messi, Luis Suarez iyo Cesar Hidalgo iyagoo wada lahaa min shan gool.
Maalinta Sabtida kulanka finalka ee ay la ciyaarayaan kooxda reer Brazil ee Gremio ayuu Ronaldo fursad u heli doonaa inuu sii dheereysto rikoodhkiisa gooldhalinta ee Club World Cup.