Cudurka Jadeecada Oo Ku Faafay Koonfur Bari Dalka Algeria 11 Qof Oo U Geeriyooday Cudurkaasi!

0
22

Algeria (Tayosame News) Cudurka Jadeecada ayaa waxa uu ku faafay Gobolka Waadi Soof ee Konfur Bari ee Dalkaasi,goobta uu cudurka jadeecadu ka dilaacay ayaa waxa uu u dhawyahay Xuduuda uu Dalkaasi la leeyahay Dalka Tunisia.

Wasaarada Caafimaadka ee Dalka Algeria ayaa waxa ay sheegtay in ay heegan galisay dhamaan shaqaalaha caafimaadka ee Dalkaasi si ay uga hor tagaan faafista cudurkani oo galaaftay noolosha 11 qof oo u badan caruur .

Ilaa iyo 600 oo qof oo kale ayaa la sheegay in ay la jiifaan Cudurka Jadeecada waxa aanay Wasaarada Caafimaadka ee Dalkaasi Bilawday Talaalka ka hor taga cudurkaasi, Cudurka jadeecada ay Dalkaasi ka ah cudur dilaa ah kaasi oo galaaftay noolosha dad tira badan sida ay sheegtay wasaarada Caafimaadka ee Algeria .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.