Cusbitaal Kuyaal Maraykanka Oo Looga Guuray Rooxaan

0
392

America (Tayosame news) -Magalaada Louisville ee dalka Maraykanka Dhakhtar lagu magacaabo Waverly Hills Santorum oo ka kooban shan dabaq , isla markaana ahaa dhakhtar camiran oo dad la ciirciiraya ayaa si lama filaan ah u joojiyay hawshaasi caafimaad ee uu waday.  Dhakhtarkan ayaa gebi ahaanba xidhan oo aan cidi gelin wakhtigan. Waxa kale oo yaab leh qol ku yaal dhakhtarkaasi oo sida la sheegay qofka gala aanu nabad kaga soo noqon waana qolka 502.

Isbitaalkan ayaa la furay 1910, laakiin waxa dib loo balaadhiyay 1926 oo mar kale la furay  waana wakhtigaasi lagu dawayn jiray dadka qaba xanuunka TB.  Tirkoobyo la sameeyay ayaa la sheegay in dhakhtarkan ay  ku dhinteen 64000 qof, nus qarni  badhkii. Sanadkii 1961 ayaa marka kale dib u habayn lagu sameeyay, waxaana la furay 1962kii isagoo qaatay magaca Woodhaven Geriatrics Hospital. Dhakhtarka ayaa la xidhay 1981

Isbitaalkan ayaa caan noqday ka dib markii Tv American paranormal reality television series uu ku soo bandhigay barnaamijka Ghost hunters (Ugaadhsiga rooxaanta).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.