Daawo Sawirada Mucjiso Lagu Arkay Degmada Hawlwadaag Ee Magaalada Muqdisho

0
189

Dadka ku nool Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir, ayaa saaka la kulmay arin la yaab leh, kadib markii ay ku soo tooseen wadooyinka xaafadaha Hawlwadaag, gaar ahaan kuwa ku dhaw Xarunta Degmada oo yaalla dhawr neef oo ari ah oo la gowracay.

Dadka deegaanka ayaa arkay in ka badan 6 neef oo Ari ah, kuwaasi oo qoorta inta laga gowracay lagu arkay jidcadyaasha xaafadaha Hawlwadaag, waxa ay sheegayaan dadka inaysan garan karin cida gowracday xoolahan ee wadooyinka sidaasi ugu tuurtay, kadibna ka tagtay, iyadoo illaa hadda la iswaydiinaayo cidii arintaan ka dambeysay.

Odayaasha Xaafadda iyo Haweenka ayaa isku soo baxay, kuwaasi oo illaa hadda la fajacsan cida gowracday xoolahaan, kadibna wadooyinka sidaasi uga tagtay.

Dhacdadaan ayaa ah mid naadir ku ah Degmada Hawlwadaag, maadaama dadka aysan horay u arkin arin noocaan oo kale ah oo sidaan xoolaha loogu galay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.