Daawo Sawirro: Nin Miino Uu Aasayay Ku Qaraxday iyo Masuuliyiin Booqatay Halka Uu Qaraxu Ka Dhacay

0
256

Baladwayne (Tayosame news) Waxaa xalay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay qarax Miino oo la sheegay in ay ku qaraxday nin ku aasayay inta u dhaxeysa magaalada Baladweyne iyo Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil kale oo katirsan ciidanka dowlada ayaa saakay tagay halka uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna goobtaasi ku arkeen meydka qofkii qaraxaasi ku dhintay.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan in ninka qaraxa ku dhintay uu damacsanaa in dad masaakiin ah oon waxbo galabsan ku laayo qaraxaasi balse isaga uu ku dhintay.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay shacabka gobolka in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga hortago dilalka iyo qaraxyada uu sheegay in Al Shabaab ku beegsanaaan dadka shacabka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.