Hargeisa (Tayosame News) Macallin Macallin Maxamed Axmed Baddal oo maanta warbaahinta kula hadlaayey xarunta Baarlamaanka Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in dacwad ka dhan ah bugga uu qoray wasiirka wasaarada warfaafintu ay u gudbiyeen golaha wakiilada Somaliland.
Macalinka ayaa sheegay in guddoomiyaha golaha wakiiladu uu uga garaabay dacwadooda isla markaana aan iminka go,aan laga gaadhi Karin balse ay cabashadooda Madaxweynaha u gudbin doonan, taas oo marka danbe xataa maxkamad gaadhi karta.