Hargeisa (Tayosame News) Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa raalli gelin ka bixiyay hadal shalay ka soo baxay xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Ilkacase oo guurtida ka tirsan kaas oo difaacay wasiir Guri Barwaaqo oo ay isku beel yihiin raalli gelina ka bixiyay weedhaha gabaygiisa ku qoran sidoo kalena eedeeyay Xildhibaan Nacnac iyo xildhibaan Jaamac Riyo oo hore arrintan uga hadlay.
Xildhibaan Dheeg wuxuu sheegay in xalka xiisadda ka dhalatay buugga wasiir Guri Barwaaqo noqonayo in wasiirku bulshada la hadlo, islamarkaana sheego in uu khaldamay kana baxayo qoraannimada maaddaama gabayga xiisaddu ka dhalatay uu sheegay in ninkii tiriyay gabayaanimada lagaga saaray. Waxa kale oo uu sheegay in xildhibaanka u hadlay arrinta sii dhooqeeyay islamarkaana aanay jirin cid u jeedo gaar ah u leh wasiir Guri Barwaaqo, beeshiisa iyo madaxweyne Biixi intaba.