Dad Ku Doodaya Inay Arkeen Suxuunta Duusha

0
80

Hargeisa (Tayosame news)   -Suxuunta duusha (Unidentified flying object (UFO)) waxa aaminsan dadka caalamka in kamid ah, waxayna ku doodaan inay arkeen ama ay af-duubteen iwm.

Waxa uu sameesanyahay qaab sida saxanka ah ama goobada.

Suxuunta duusha waxay bulshada badankeedu barteen markii jariidadaha maraykanka kasoo baxaa ay qoreen in saxan duula uu ku soo dhacay gobolka Texas ee maraykanka markii ay taariikhdu ahayd (8-july-1947).

Maalmo yar ka bacdi waxa soo batay dad sheegaya inay arkeen ama ay af-duubteen ama dad ay isku dhow yihiin arkeen.

Hadaba suxuunta duusha ayaa waxa ay la yaab la noqotay aduunyada iyada oo dadkii arkay ay sheegeen in ku socdaan xawaara aanay diyaaradaheenu ku socon una dhoweyn.

Hadaba waxaa is weydiin mudan maxay suxuunta duusha waqtigeenan u soo baxday oo waqtiyadii iyo qarbiyadii inaka horeeyay ay usoo bixi waayeen?

Sida ay qoreen jariidadaha maraykanku ayaa waxay ku tilmaameen in suxuunta duusha ay jin yihiin m jinkuna casri kasta iyo xadaarad kasta heerka ay marayso uu kula dhaqmo, markaa casrigan aynu ku jirnaa waa casrigii tiknoloojiyada sidaa daraadeed ayay iminka usoo if baxeen suxuunta duusha.

Dad ayaa aaminsan inay suxuunta duusha ay tahay propaganda ay sameeyeen munadamada (maasuuniyada) si ay dadka u mashquuliyaan iyagana hawlahoodu u fududaadaan.

Dad ayaa aaminsan inuu xidhiidh ka dhaxeeyay suxuunta duusha iyo xadaaradihii hore sida xadaaradii masaarida oo waxay aamisanyihiin inay suxuuntu ay dhiseen ahraamta (Pyramids) ay masar caanka ku tahay.

Hadaba si kasta ha ahaatee waxaan wali la hubin inay suxuunta duushaa ay yihiin xaqiiq ama propaganda ay dadku is aaminsiiyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.