Dagaal Culus Oo Ku Dhex Maray Ciidamada Kenya iyo Alshabaab Gobolka Wajeer

0
198

Kenya (Tayosame News) Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay fiidnimadii xalay deegaanka Katulo oo ka tirsan Wajeer halkaa oo saldhig ay ciidamada gaarka ah ee dalka Kenya ay weerareen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya Stephen Ngetich ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar ay sideedii fiidnimo waqtiga dalka Kenya ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Iskahorimaad socday muddo saacad iyo badh ah ayaa la sheegay in uu dhex maray labada dhinac iyadoo aan illaa iyo hadda la shaacin waxyeelada ka dhalatay iska horimaadka.

Horaantii bishii la soo dhaafay ayaa dagaalyahanada ururka Al-Shabaab waxa ay burburiyeen xarun ay shirkada isgaadhsiinta Safaricom ku lahayd gudaha dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.