Eithiopia (Tayosame news) wararka ka imanaya deegaano ka mid ah ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dad Soomaali ah oo tiradooda ay gaadheyso 65 qof lagu diley tuullada Gadule ee hoos tagta degmada Darullow. Hasa ahaatee, madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada, Cabdirisaaq Maxamed oo la hadlay laamaha Itoobiyaanka ee afafka Oromada, Tigreega iyo Axmaaradda, ayaa tirade dadka dhintey ku sheegay 14 qof.
Cabdirizaaq Maxamed waxaa uu intaas ku darey in weerarkan uu ka dhashey duullaan ay ciidamada Liyuu Boliiska ee deegaanka Soomaalida ku soo qaadeen deegaan aan Gadule ka dheerayn, 2 qof oo midi askari yahayna ay ku dileen. Islamarkaasna reerkii askariga laga diley ay weerar ku qaadeen Soomaalida Gadule ku sugneyd.