Eithopia: (Tayosame news) Wararka ka imaanaya dalka Ethopia ayaa ku waramaya in ay dib usoo laabteen dhibaatooyinkii u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada oo dhawaan la sheegay in xal laga gaadhay.
Waxaa la xaqiijiyay in Gaadhi ka baxay magaalada Amaro ee gobolka Oromiya lagu rasaaseeyey xadka gobolka Koonfurta Ethiopia.
Sida uu xaqiijiyay TV-ga ESAT waxaa goobta ku naf waayay mid ka mid ah dadkii saarnaa gaariga la rasaaseeyay halka ay labo kalena ay ku dhaawacmeen.
Arintan ayaa la sheegay in ay salka ku hayso khilaaf xaga xuduuda ah ee u dhaxeeya Gobolka Oromada iyo Gobolka Shucuubta Koonfureed