Dagaalka Oromadda iyo Soomaalida Ee Wadanka Ethiopia Oo Ay Ku Barakaceen 250,000 Oo Qof

0
603

Ethiopia (Tayosame News) Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in 250,000 oo qof ay ku barakaceen iskahorimaadyadii ka dhacay Bilihii lasoo dhaafay xudduudaha Oromiya iyo dawlad degaanka Soomaalida.

Isagoo ka hadlayay Hay’adda Warbaahinta ee Itoobiya leedahay, Mitiku Kassa, guddoomiyaha guddiga Maareynta Khatarta masiibooyinka Qaran ee Itoobiya, ayaa sheegay in barokacayaashu ay awoodaan in ay soo laabtaan kaddib markii shir ay yeesheen mas’uuliyiinta iyo odeyaal ka socda labada gobol bishii February.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay ka shaqaynayso in ay dib u celiso tirada dadka kale oo dhan 600,000 oo qof oo ku barakacay iska horimaadkii bishii April.

Kassa ayaa sidoo kale sheegay in 86,000 oo ka mid ah kuwa ku soo laabtay gurya-hooda lagu dayac-tirayo gacan-qabashada madaxda dowladda federaalka ah iyo gobolada.

Dagaalka labada dhinac ayaa xoogeystay bilihii la soo dhaafay, waxaana ku dhintay dad badan, halka sidoo kale ay ku barakaceen kumanaan qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.