Dahabshiil Group oo $300,000 Ugu deeqday Ganacsatadii ku waxyeeloobay dabka ka kacay Suuqa Wajaale.

0
78

Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid (Dahabshiil) ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo dadka reer Somaliland ku boorriyay in ay kaalin mug leh ka qaataan qaadhaan ururinta loo samaynayo ganacsatadii hantidooda ku waayay suuqa Wajaale ee gubtay.

Shirkadda Dahabshiil ayaa qaadhaanka kaga qayb qaadatay lacag dhan Saddex boqol oo kun oo dollar ($300,000) taas oo ka dhigan shirkadda bixisay lacagta ugu badan ganacsatada.

“Dadka lacagta loo ururinayo haddii qof walba bixiyo lacag dhan Shan boqol iyo soddon dollar ($530), toban kun oo qof ayaa lacagta bixin karaya, waa lacag marka sidaa loo qaybsado aad iyo aad u yar. Hantida Wajaale waxa lagu qiyaasaya hal bilyan oo dollar, marka kolka loo eego khasaaraha oo ahaa shan milyan iyo saddex boqol oo kun marka ay noqoto waa lacag yar. Dhammaanteen waa in aynu caawino gudo iyo dibad ba muhiimadduna waxay saaran tahay ganacsatada Wajaale ee hantidu u badbaaday,” ayuu yidhi Cabdirashiid.

Mudane Cabdirashiid Dahabshiil ayaa sheegay in Suuqa Wajaale yahay kan ugu dhaqdhaqaaqa badan ganacsiga Soomaalida “Ganacsiga Wajaale wuu balaadhan yahay, marka ganacsigu Berbera ka yimaaddo ganacsiga Burco iyo gobollada kale taga waxa ka badan ganacsiga Wajaale yimaadda. Wajaale waxa lagu tilmaama dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed, alaabta Wajaale waxay gaadha dhul badan oo Soomaaliyeed, marka Wajaale waa meel dhaqaalaha dadka Soomaalida muhiimad u leh,” ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil.

Dhanka kale shirkadda Dahabshiil ayaa khidmad la’aan ka dhigtay dhammaan ba qaadhaanka loo soo dirayo dadka waxyeelladu ku soo gaadhay gubashada suuqa Wajaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.