Dalka Jarmalka Oo Lagu Qabtay Qaad Farabadan Oo Laga Keenay Kenya Loona Waday Dad Soomaali Ah.

0
539

Germany (Tayosame news)  -Ciidamada Illaalada Garoonka Magaaladda Munich,ee Dalka Jarmalka ayaa Gacanta Ku Dhigay Shandad ama Boorso ay Ku jirtay 45-Kiilo oo Qaad ah Lagana Keenay Magaalada Nairobi ee Dalka Kiiniya.

Waraysi Laga Qaaday Haweenayda Siday Jaadkan oo Udhalatay Dalka Ukrain,ayaa Sheegtay Inay Jaadkan Usiday Qof Soomaali ,ah Laguna Siiyey Lacag Badan Siday jaadka Ukeeni Lahayd Gudaha Dalka Jarmalka.

Jarmalka ayaa Waxaa Kunool Illaa 80-kun oo Soomali Qaxoonti ah kuwaas oo iska Dhiibay Sanadihii Danbe Waana Dalka Ugu Dhaqaalaha wanaagsan Marka Loo eego Dalalka Kale Ee Qaraada  Yurub.

Warbixin ay Soo saartay Sanadii 1965-kii Haayada Caafimaadka Aduunka Ee W.H.O,ayaa Jaadka Waxay U Aqoonsatay Inuu Yahay Maado Dhibaato U Keeni Karta Caafimaadka// Dadka Binu’adamka ah .

Jaadka ayaa Inta Badan Waxa Laga Cunaa Dalalka Sida,Jabuuti, Kiiniya, Somaliland , Uganda,Itoobiya ,Yamen, Iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.