Dalka Masar Oo Lagaga Dhawaaqay Saddex Casho Oo Baroordiiq ah

0
247

Masar (Tayosame news)  -Dowladda dalka masar ayaa ku dhawaaqday in 3 maalmood  loo sameeyo  baroor-diiq Boqolaalkii qof ee shalay lagu xasuuqay Masjid ku yaalla Degmadda BIR AL-ABIID oo 40-KM dhanac Galbeed kasga beegan Caasimadda Gobalka Gobalka Siinaay ee Al-cariish.

Wakaalladda Wararka Bariga Dhexe ee MENA ayaa sheegtay inay tirada dhimashadu  gaadhtay ilaa hada 235 qof, iyadoo 100-kalena ku dhaawacmeen.

Madaxweyne C/fataax Al-sisi waxa uu wacad ku maray in la ciqaabi doono Kooxihii ka dambeeyey Weerarkaasi.

Dhinaca kale, Madaxda Dowladaha Maraykanka, Britain, Turkiga, Kuweyt iyo Talyaaniga ayaa cambaareeyey Xasuuqaasi, waxayna ku tilmaameen Weerar Bahalnimo oo Badawnimo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.