Dawlada Soomaaliya Oo Loogu Deeqay Gaadiidka Gaashamaan iyo Dowlada Ugu Deeqday

0
223

Somalia (Tayosame News) Deeq ka kooban gaadiid gaashaaman ayaa manta dowlada Talyaanigu waxay ku wareejisay dowlada federaalka Soomaaliya.

Qoraal lagu daabacay Barta Twitterka Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Talyaaniga ay gaadiid gaashaaman ku wareejisay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Booliska, iyadoo u soo marisay Midowga Africa.

Gaadiidka Gaashaaman ee Talyaaniga ku wareejiyay Wasaaradda Amniga gudaha ayaa looga gol leeyahay iney dowr muhiim ah ka ciyaaraan dagaalka iyo halganka adag ee dowladdu kula jirto Al-Shabaab sida ku xusan qoraalka.

Wasiirka amniga gudaha Somalia Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo lagu wareejiyey gaadiidkan ayaa dowlada Talyaaniga uga mahad celiyey deeqdan wax ku oolka ah oo uu xusay iney wax weyn ka tareyso sugida amniga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.