Dawladda Ingiriiska Oo Xafiis Qunsuliyad Ah Ka Furanaysa Somaliland

0
52

England (Tayosame News) Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay in aanay safaaraddooda magaalada Muqdisho ee Soomaaliya awoodin in ay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ka fuliso hawlaha looga baahan yahay. Safaaradda oo aan ku filayn ka shaqaynta Somaliland awgeed ayay ka fikirayaan sidii ay magaalada Hargeysa uga furan lahaayeen qunsuliyad danaha Ingiriiska iyo Somaliland ka shaqaysa.

Xildhibaan Stephen Doughty ayaa Khamiistii fadhi baarlamaanku lahaa wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda Harriet Baldwin ku waydiiyay su’aal nuxurkeedu yahay halka uu marayo qorshahooda ku aaddan in ay xarun ka furtaan Somaliland waxaanay ku jawaabtay:

“Xafiiska arrimaha dibadda iyo Barwaaqo sooranku , talooyin socdaal waxay ku xaqiijiyeen in safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho aaney awoodin inay adeegyo qunsuliyadeed ka abuuraan Somaliya iyo Hargeysa , si kasta go,aan dib u eegis ayaanu ku jirnaa,” Sidaas ayay tidhi wasiirru Dawle Baldwin.

Xildhibaan Stephen Doughty ayaa ka mid ahaa xildhibaanno xisbiyada Ingiriiska ka socday oo dhawaan socdaal ku yimid magaalada Hargeysa waxaanu ka mid yahay mudaneyaasha u ololeeya qaddiyadda jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.