Dawladda Soomaaliya oo u Yeertay Diblomaasiyiinta Ka Jooga Suudaan

0
17

Somalia (Tayosame News) Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda oo la shaaciyey inuu ku saxiixan yahay xoghayaha joogtada ee wasaaradda, Danjire Siciid Xaaji Maxamuud ayaa lagu sheegay in diblomaasiyiintaas ay ku soo laabtaan laba todobaad gudahood “si wada tashi loola yeesho”.

U yeeridda diblomaasiyiintan ayaa sida qoraalka lagu xusay, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliyana uu sheegay, waxay ka dambaysay amar uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre bixiyey, ka dib markii “uu u kuurgalay shaqada safaaradda, uuna dhagaystay cabashooyin ka yimid ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Suudaan, intii uu ku guda jiray booqashadii uu dhawaan dalkaas ku tegey”.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa horraantii bishan u tegey magaalada Khartuum in uu ka qayb galo shir lagu nabadaynayey dhinacyadii ay ka dhaxaysay dirirta South Sudan, waxaana intii uu halkaa joogay uu la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee dalkaas wax ka barta, kuwaasoo cabasho xoog leh ka gudbiyey diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee Khartuum.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.