Dayax Gacmeed Ciladoobay Oo Maalmaha Soo Socda Dhulka Ku Soo Dhacaya iyo Wadamada Khatarta Ugu Jira Inuu Ku Dhaco

0
968

China (Tayosame News) Dayax-gacmeed aaney la socon wax cir-bixiyeeno ah laguna magacaabo Tiangong-1 oo China hawada sare u dirtay sanadkii 2011 ayaa Control-kiisii lumay wuxuuna ku soo dhacayaa dhulka isagoo Burbur ah in mudda ahna soo socday.

Khubarada ku taqasusay arrimahan ayaa sheegaya in dayax gacmeedkan uu soo dhow yahay uuna dhulka ku soo dhacayo dhowr maalmood laga bilaabato Jimcada soo socda sida la qiyaasayo.

Dayax gacmeedkan oo ah mid sabeynaya oo hadba jiho cusub qabsanaya ayaa sababtay in la garan waayo halka uu sida rasmiga ah ugu soo dhici doono.

Balse Khubarada ayaa aaminsan inuu ku soo beegan yahay dhulka gaar ahaan inta u dhexeeysa inta u dhexeysa 43 degree Koonfur iyo 43 degree Woqooyi oo ay dhacaan inta badan wadamada Yurub qaarkood, Afrika iyo latin Amerika.

Marka uu ku soo dhacaayo dhulka waxyeello ma geysan karo, wuxuuna soo gaarayaa dhulka isagoo cad cad u burburay oo aan laheyn awood uu wax ku burburiyo sida khubaradu sheegayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.