Dayax Gacmeed Cusub Oo Hawadda Sare Ka Nadiifin Doona Qashinka Oo La Soo Saaray

0
83

hargeisa (Tayosame news) -Qashin fara badan ayaa ka buuxa Dunida aynu ku noolnahay, kaas oo markii dambe u gudbay hawada sare, isaga oo dhex heehaabaya dusha meeraha (Dhulka).

Waxay noqotay dhibaato u baahan xal degdeg ah, kaas oo ay dusha u ridatay Hay’adda Cirbixinta Yurub ee ESA (European Space Agency) oo gacanta ku haysa qorshe, muddadiisu dheertahay, si loo yareeyo culayska qalabkaas dhaqan –ka baxa ku noqday madaxyadeenna dushooda.

Mashruucaas waxaa lagu magacaabaa E-deorbit, wuxuuna bilaaban doonaa 2023ka, isaga oo adeegsan doona fikrado hab fudud ku fadhiya, oo macneheedu yahay isticmaalka Dayax-gacmeed “Satellite” daba gali doona Satellite-yada dhaqan baxa ah. Kaas oo marka uu akhriyo u soo ridi doona qaab la xukumi karo, (Controlled manner), kuna gubi doona hawada sare dhexdeeda.

Run ahaantii waa tillaabo weyn oo farsamo oo waligeed Hay’addu isku deyin, una baahnaan doonta dadaal fara badan oo an looga maarmi doonin habab hoggaamineed iyo hagitaan oo si aad ah u horumarsan. Kuwaas oo sahli doona dhammaan hawlgallada, sida aqoonsiga bartilmaameedka, soo qabashadiisa, iyo ugu dambayntii soo riditaankiisa, si mar kasta la xukumin karo.

Qorshaha waxaa ka mid ah isticmaalka “Software” hagaajiya muuqaallada oo isla xiriiriya xogaha kameradaha sawirrada iyo kuwa shucaaca “Laser”ka, si loo qiimeeyo barta uu ku suganyahay iyo dhaqdhaqaaqa bartilmaameedka.

Si kastaba ha ahaatee hannaanku waa in uu ahaado mid isku filan, mar haddii ay adkaan doonto in dhulka laga hago, gaar ahaan xilliga soo qabashada Satellite-ka dhaqan ka baxa ah.

Nadiifinta hawada sare waa arrin horay looga hadlay marar badan, haddii ay nqoqon lahayd in Satellite-yada lagu rakibo qalab dhulka ku soo celin kara marka ay xumaadaan. Amase sidii loo soo celin lahaa kuwa duugga ah ee muddada dheer heehaabaya hawada sare dhexdeeda.

Tusaale ahaan, sannadkii 2014kii, Hay’adda Cirbixinta “Jaxa” ee Japan ayaa ku samaysay tijaabo, shabakad birlab ah (Magnetic), oo marka ay soo qabato qalfoofka, ka dhalin karta koronto, Xayndaabka Birlabka dhulka (Earth Magnetic Field), dabadeedna u soo daadejisa meertooyin hoose (Low Orbit), si uu u gubto.

Waxaa kale oo la sameeyay istrateejiyado heer Yurub ah sida SST (Space Surveillance and Trucking), si loo ilaaliyo hawada sare, loona abuuro diiwaan-xogeed (Database) lagu ururiyo walxaha heehaabaya iyo halistoodaba.

Dayax-gacmeedyadu waxay muhiim u yihiin duni la mid ah midda aynu ku noolnahay: waxaa loo adeegsadaa hannaanka hagista GPS (Global Positioning System), saadaasha hawada, taleefannada, iwm.

Mashruuca E-deorbit-na wuxuu noqon doonaa midka ugu weyn dunida oo awoodi doona in uu ka nadiifiyo, qalfoofka iyo walxaha kale ee dhex heehaabaya, hawada sare ee dhulka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.