Dayax Gacmeedkii Ugu Waynaa Dunida Oo Hawada Sare Loo Diray iyo Cida Dirtay

0
49

USA (Tayosame News) Waxaa la ganay dayax-gacmeed cusub oo la sheegay in uu yahay kan ugu weyn adduunka, balse cidda dirtay ma ahan hay’adda cirbixiyeenada Maraykanka ee NASA, ee waa nin bilyan neer ah oo lagu magacaabo Elon Musk, kaas oo muddo ka shaqaynayay hawshan.

Shirkadda Space X oo uu Mr Musk leeyahay ayaa mas’uul ka ah dayacgacmeedkan oo aysan wax cillad ah qabsanin markii hawada loo dirayay si ka duwan sidii la filayay.

Gayac-gacmeedkan oo lagu magacaabo Falcon Heavy ayaa ah qalabkii ugu cuslaa, uguna weynaa ee ebed hawada loo diro.

Horey hay’adda NASA oo kaliya iyo kuwa la mid ah ee dalalka kale ayaa hawada u diri karay dayac-gacmeed oo ay qaali tahay samayntiisa iyo maamulistiisu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.