Deegaano Ka Mid Ah Maraykanka Oo Looga Barakacayo Duufaan Markale Ku Dhufatay Deegaano Kamid ah Dhul Waynaha Maraykanka

0
202

America: (Tayosame news)   Duufaanta Nate loo yaqaano ayaa safmartay xeebaha dalka Maraykanka deegaano u dhow wabiga Missisippia.

Waxaana la filayaa in duufaantani ay dhaliso roobab xoogan, fatahaado. Waxayna ku ordaysaa saacadiiba 150 kilo mitir. Duufaanta darted ayaa hadda waxaa la xdhay shan dakadood. Waxaana amar lagu bixiyay in dadka la qaxiyo.

Meelaha dadka laga saarayo waxaa ka mid ah magaaladda New Orleans oo labo iyo tobon sano ka hor ay ku dhufatay duufaantii Katrina. Dufaantan Nate waxaa horay uga barakacay ku dhowaan sodon kun oo qof badhtamaha America.Wadamada Nicaragua,Costa Rica iyo Honduras ayay ku soo dishay 25 qof.

Inkastoo ay duufaanta u xooganayn sida duufaanta Irma haddana waxay wadataa dabaylo xoogan. Dhowaan ayay ahayd markii duufaanta Irma ay waxyeelaysay deegaano badan oo qaarada America ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.