DEGDEG: Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Askar Ka Tirsan Ciidanka Milateriga Somalia Kuwaasi Oo…………

0
37

Somalia (Tayosame News) Al-Shabaab ayaa maanta degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh/dhexe ku soo bandhigtay Saddex Askari oo ay sheegeen iney ka goosteen dowladda Federaalka Somalia.

Waxaa magacyadooda lagu kala sheegay, Nuur Yuusuf Cali, Maxamed Axmed Raage iyo Nuur Maxamed Axmed, waxaana xilligii raggan la soo bandhigay ay ku labisnaayeen Dareeska Ciidanka Milateriga.

Saraakiisha Al-Shabaab waxay xuseen wareysiyo raggan lala yeeshay inay ku sheegeen sababta ay u soo goosteen inay ka mid tahay dhibaatooyin badan oo ay la kulmeen, kuwaasoo aan waxba laga qaban.

Qaar ka tirsan askarta ayaa sheegay dhibaatooyinka ay la kulmeen ay ka mid yihiin in shacabka ku nool gobolada dalka qaarkood lagu hayo dhibaato, taasina ay u dulqaadan waayeen.

Ma jiro hadal ka soo baxay taliska ciidanka xooga dalka oo ku saabsan in askarta la soo bandhigay ay ciidankooda ka tirsanaayeen iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.