SOOL (Tayosame news) Shalayto waxa bilowday dagaal u dhexeeya Dowlada Somaliland iyo maamul goboleedka puntland, ayadoo ciidamada qaranka somaliland ay ku dhawadeen dageena meel 70km oo keliya u jirta caasimada maamul goboleedka soomaaliya ee puntland, waxaana halkaasi ku sugan madaxweynaha dowlada federaalka somaliya ee maxamed cabdulahi farmaajo.
Goor dhaweyd sida aanu xogta ku helnay waxa ciidamada somaliland loo diyaariyey heegana loo geliyey dagaal kasta iyo weerar kasta oo ka yimaada maamulka puntland ayadoo Ciidanka qaranka somaliland gacanta loo geliyey Hubka dagaalka noocyadisa kala duwan kuwaasi oo ahaa qayb kamida hubka keydka ee aan weli dibada loo soo saarin.
Ciidamada Qaranka Somaliland ayaan ku joogsan Tukaraq balse weli kusii durkaya dhinaca maamulka puntland taasi oo cabsi xoog leh ku abuurtay maamulka puntland.